Axkaamta Cumramda, Xajka Iyo Zakada.

0
Thursday June 28, 2012 - 10:18:55 in by Super Admin
  • Visits: 4043
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Axkaamta Cumramda, Xajka Iyo Zakada.

    Xajku waa rukniga SHANAAD ee ay diinta Islaamku ku dhisan tahay, waana waajib Ilaahay faray ummadda Islaamka ah qofkii awoodi kara ugu yaraan hal mar oo keliye qofka cimrigiisa. Xajku waa qasdi uu qofku u qasdiyo Baytul-xaraamka "Kacbada" isa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xajku waa rukniga SHANAAD ee ay diinta Islaamku ku dhisan tahay, waana waajib Ilaahay faray ummadda Islaamka ah qofkii awoodi kara ugu yaraan hal mar oo keliye qofka cimrigiisa. Xajku waa qasdi uu qofku u qasdiyo Baytul-xaraamka "Kacbada" isagoo cibaadaysanaaya. Haddii aan ka warano waqtigii la waajib yeelay xajka waxay ahayd sannadkii sagaalaad ee Hijriyada Ilaahayna uu dadka faray inay xajiyaan haddii ay awoodaan. Intii ka horeysay waqtigaa waxaa awood ku lahaa Maka mushrikiintii Qureysheed, waqtigaana Nebiga (s.c.w.) iyo asxaabtu ma aysan awoodin in ay si fiican u gutaan xajka. Xajka qofkii diida ama inkira waa gaal hadii aanu jaahil ka ahayn arrinta xajka, tusaale ahaan haddii uu yahay qof mar dhaw soo islaamay oo kale oo aan si fiican u garanayn xukunka xajka qofkaas waa loo cudur daarayaa. Dhinaca fadligiisa hadii aynu fiirinnu aad bay uga waramayaan nusuusta Quraanka iyo axaadiista Rasuulkaba, haddii aynu soo qaadano xadiis saxiixaynka ku sugan oo uu wariyay Abuu Hureyra waxaa uu yiri:" Rasuulka (CSW) ayaa la weydiiyay camalka ugu fadli badan? " Rasuulka (CSW) wuxuu yiri:" in Ilaahey iyo Rasuulkiisa (CSW) oo la rumeeyo," ka bacdi waxaa la yiri:" maxaa ku xiga?" wuxuu yiri:" Rasuulku (SCW) Jihaad Ilaahay dartii loo galo", kabacdi waxaa la yiri:" maxaa ku xiga?"." Wuxuuna yiri:" Xaj lagu baarinimo falo ah"{aan lagu dimbaabin}. Waxaa kaloo Rasuuku (CSW) yiri xadiis uu Abuu-Hureyra ka warinayo in ay xujaayda iyo dadka cimrada gudanaayo ay yihiin wafdi Ilaahay, oo ducadooda la ajiibo, haddii ay Ilaah dambi dhaaf weydiistaana laga aqbalo oo loo dambi dhaafo. sidoo kale wuxuu Rasuulku (CSW) ku tilmaamay in xajka abaalmarintiisu tahay Janno. Bilaha xajku waa bisha Shawaal (Soonfur), Dulqacda (Sidataal) iyo tobanka beri (maalmood) ee ugu horeysa bisha dulxaj (Arrafo). SHURUUDAHA XAJJKA KU WAAJIBO Waxuu xajku ku waajibaa qofkii laga helo arrimaha soo socda. 1) Inuu muslim yahay.2) Inuu caqli qabo aanu waalneyn.3) Inuu qaan gaar yahay.4) Inuu xoryahay5) iyo inuu awoodi karo (xoolo, jid, iyo jir ahaanba) inuu xajka guto Waxaa kale oo in taas weheliya gabadha oo laga rabo inuu maxram la socdo. Meelaha laga xirmanayo (xiranayo) Xajka waxaa jirta shan meelood oo laga xirmanayo Xajka waxeyna kala yihiin. Dul-xuleyfaoo ay reer Madiina ka xarmadaan. Jux-faoo ay reer Shaam ka xarmadaan Qarnul-manaasiloo ay reer Najad ka xarmadaan Yalam-lamoo ay reer Yamneed ka xarmadaan, dadka Soomaaliya ka yimaadana halkan ayey ka xarmadaan iyoDaatu-cirqioo ay reer Ciraaq ka xarmadaan. Hadaba waxaa Fiican inuu qofku ka xarmado xajka shantaa meelood ee kor ku xusan maxaa yeelay Nabiga (CSW) ayaa Jideeyay. Waxaa jira saddex nooc oo qofka uu u gudan karo xajka. Tamatucoo ah inuu qofku xarmado Cumrada bilaha xajka dhexdooda kadibna ka firaaqooda (ka baxo) cumradii oo uu xarmado xajkii. Qiraan(xiriirin) oo ah inuu is raaciyo cimrada iyo xajka labadooda oo hal mar wada xarmado. Ifraad(keliyeelid) oo ah inuu qofka xarmado xajka oo kaliya. Culimada Islaamka badidoodu waxay qabaan inuu qofku dooran karo kii uu rabo sedaxdaasi nooc, waxaa la isku khilaafay kan ugu fadli badan saddexda nooc waxaase la door bidayTamatucakaasi oo Nabigu (CSW) ku booriyay asxaabtiisa isaguna sameeyay. Sidee loo gutaa xajka? In uu qubeysto (mayrto) is cadriyo. In uu xirto dhar cadcad, gabadhuna ay xirato wixii ay rabto laakiin shardi waxaa ah ineysan is qurqurxinin. Inuu tukado salaadii faralka ahayd haddii ay tahay waqtigeedi si uu markaas ka bacdi u xarmado haddii aanan jirin salaad farad ahi waxuu tukanayaa labo rakco oo sunna ah ka bacdi wuxuu la imaanaya talbiyadii xajka (labbeykallaahumma labbeyk, labbeyka laa shariika laka labbeyk.). Ka bacdi wuxuu u baxayaa Minaa wuxuuna ku tukanayaa duhur, casar, maqrib , cishe iyo subax wuxuuna qasrinayaa (gaabinayaa) salaadaha kuwa la qasrin karo (Duhurka, Casarka iyo Cishaha) isaga oo jamcinaaya (kulminaya). Ka bacdi wuxuu istaagayaa Carafa waana maalinta sagaalaad ee Bisha Dul-xaj. Waa rukni muhiim ah istaagidda la istaago Carafo ducada la duceystaana aad bay u kheyr badan tahay qofka aana xaajiga aheyn waxaa sunna ah inuu soomo. In lugu baryo Musdalifa marka laga yimaado Carafa waana qorax dhaca ka bacdi wuxuuna ku tukanayaa maqrib iyo cishaa. Marka uu tukado salaada subax ka bacdi wuxuu u baxayaa Mash-caril Xaraam Ka bacdi waxaa la aadayaa Minaa waxaana la tuuraya Jamratul-caqaba todaba goor ka bacdina waxaa la qalayaa neefkii hadyiga ahaa. Intaa ka kabacdi waxaa la xiirayaa ama la gaabinayaa timaha. intaa kabacdi wuxuu dawaafayaa Kacbada waana dawaaful ifaada. kabacdi sacyigii (orodkii) ayuu la imaanayaa haddii aanu hore u sameyn intaa ka bacdi waxaa xaajigii u xalaaloobaya wixii ka xaaraam ahaa oo dhan ka bacdi xaajigu wuxuu sii joogayaa maalmaha ayaamu-Tashriiqa (maalmamaha 11, 12, iyo 13aad). Minaa, wuxuu tuurayaa sadex tuurimaad oo mid kastaaba tahay toddoba tuuryo oo isku xiga isaga oo qofku takbiiranayo tuuryo kasta oo uu tuuro. Ugu dambeyna qofku ama xaajigu wuxuu sameynayaa Dawaaful-widaac. Ka dibna wuxuu soo siyaaranayaa Qabriga Rasuulka (CSW) Siyaarada iyo Xunkeeda: Siyaarada Qabriga Nabiga N.N.K.H waa arrin muhiim ah waana sunno mu'akad ah oo ay isku waafaqsan yihiin culimada Islaamka, waxaana soo naqliyay Ijmaacaas culimada ay ka midka yihiin Imaamka la yiraahdoQaadiciaadwuxuuna ku qoray kitaabkiisa la yiraahdo "A-shifaa bitacriif Xuquuqil- Musdafaa",Imaam Al-Nawawikitaabkiisa la yiraahdi "Iidaax Fii manaasikil-xaj",Ibnul Xajar Casqalaanikitaabkiisa la yiraahdo "Fatxul-baari" iyoShowkaanikitaabkiisa la yiraahdo "Naylul-awdaar". Haddaba xaajiyow waxaa lagaa doonayaa marka uu xajku kuu dhamaado in aad aado magaalada madiina si aad u soo ziyaarato qabriga Nabiga N.N.K.H. siyaartaas oo sida aan hore u soo sheegay ah sunno mu'akad ah. Sidoo kale waxaa sunno ah in aad siyaarto masjidka Rasuulka "S.C.W" waxaase la doonayaa in uu qasdigaagu ahaado siyaarta Qabriga Nabiga "N.N.K.H" ama aad jamcido oo aad wada niyaysato. Dadka qaar ayaa yiraahda waxaa loo qasdaa masjidka, arrintaasi sax ma ahan laba sababood dartood: mida hore waxaa weeye: Ruuxa jooga makka waxaa u sahlan in uu ku dukado xaramka oo salaadaas ajarkeeda uu u noqonayo 100.000 dicfi "Waxay la mid noqonee isagoo 100.000 oo salaadood ku dukaday masaajida kale oo aan aheyn labada masaajid ee Madiina iyo Baytul-Maqdas" marka intuu halkaas ka soo tago oo uu soo aado masjidka madiina oo loo laalaabayo salaadii uu ku tukado kaliya 1000 jeer qofkaas wxuuu lumiyay 99000 oo laalaab haddii qasdigiisu yahay Masjidka. Arrinta kale waxa ay tahay: masjidka Rasuulku N.N.K.H wuxuu ka mid yahay waxyaalaha Rasuulka lasiiyay maxaa yeelay Masjidku waxa uu ku sharafoobay Rasuulka "SCW"marka in la yiraahdo ziyaarta Masjidkiisa hala niyaysto ee yaan la niyaysanin siyaarta Nabiga, Hadalkaas waa mid aad u qaldan. Waxyaabaha qofka xajinaya ka xaaraam ah:Haddii aynu soo qaadano waxyaabaha qofka xaajiga ah ka xaaraan ah inta xajka lagu gudo jiro waxaa ka mid ah. Inuu qofka la yimaado jimaac ama galmo. Inuu jaro cidiyaha. Inuu isticmaalo udug marka uu xarmado ka bacdi . Inuu xirto galofis (gacma-gashi). Inuu jaro timaha inta Xajka lagu gudo jiro. In la suubiyo caqdi ~ guur. In la dilo xayawaanka xaramka ama la ugaarsado TALOOYIN GUUD Walaalkeyga Xaajiga ah waxaan kula talin lahaa talooyin la xiriira caafimaadkiisa waxaana ka mid ah. 1) inuu xaajiga cabo biyaha nadiifka ah2) inuusan cunin khudrad aanu iska dhaqin3) inta aanad cutada cunin ku dhaq gacmahaaga biyo iyo saabuun .4) iska jir is gediska hawada kuleylka badan iyo qabowga badan, is kana ilaali waqti badan inaad hoos fadhido qorrax kulul.5) kadhowr ama ka ilaali cuntada Duqsiga, daboolna cuntada6) haddii ay suurta gal tahay qaado talaalo ka hortag ah.7) markaad is ka dareento wax dhibaato ah la xiriir meelaha caafimaadka kuugu dhaw.8) sii qayb nasasho ah jirkaaga; seexo waqti kugu filan maxaa yeelay soo jeedka badani waxuu keenayaa dhibaatooyin kala duwan.9) dhinaca cuntada ha badsan hilibka waqtiga carrafo la taagan yahay waxaad istimaashaa khudaar (khudrad).10) dharka aad xiraneyso waa inuu khafiif ahaado oo aanu Layloon ahaan si dhididka uu u nuugo oo xaraaradda jirku hoos ugu dhacdo. Dhinaca safarka waxaan Xujaayda kula talinayaa 1) inay qaataan tikit safar oo go and back ah.2) in baasaboorka waqtigiisu fiican yahay oo aanu dhicin.3) inuu qofka sii qaato Kitaab Qura�an ah oo uu aqristo. Waxaan u rajeynayaa dadka muslimiinta ah ee sanadkaan Xajka gudanaya camal suuban iyo soo laabasho nabad qabta Ilaaheyna waxaan ka baryayaa sanadkan kiisa kale in Ilaahay nagu gaarsiiyo caafimaad qab, cibaado suuban Aamiin. Allahayoo Aamiin. Waxaa kale oo aan Ilaahay ka baryayaa inuu umadda Soomaaliyeed ka saaro dhibaatada haysata uguna bedelo nabad , is jeceyl, iyo is aamin walaaltinimo. Aaamiin Allahayoo Aamiin. Idinkuna aamiin ila dhaha. Wabillaahi Towfiiq


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Donation
Live Stream
Calendar
Prayer Times
Columbus United States
Fajr 08:09
Sunrise 10:07
Dhuhr 17:30
Asr 21:27
Sunset 00:53
Maghrib 00:53
Isha 02:42